Afleveringen
-
Xidhiidh noocee ah ayaa ka dhexeeya afka iyo dhaqanka, sidee ayaanay isu saameeyaan? Dhaqanku weligii meeshiisa taagnaan maayo, ayuu qabaa Dr. Xuseen Saleebaan. Cabdi Gurey waxa uu leeyahay, afku marxalado badan ayuu soo maray, muhiimadduna waa in ereyada cusubi aanay meesha ka saarin kuwii Soomaaliga ahaa. Balse si afka loo ilaaliyo, waa in dadka qurbaha ka imanaya ee afku ku adag yahay aan lagu qoslin, lana faquuqin, waa sida ay Hibaaq Cali qabto. Dhegaysi wacan!
Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)
-
Qof aad si kedis ah ula kulantay oo aad ka heshay, sidaasna aad ku kala lunteen, sideed ku heli lahayd? Dareenka noocan ahi waxa uu ku kooban yahay qof keli ah, mana sahlana sida dareenkaas loo la noolaadaa. Sheekadan waxa ila wadaagtay inan ka mid ah dhegaystayaasha Codka Ubax. Dhegaysi wacan!
Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)
-
Zijn er afleveringen die ontbreken?
-
Maxamed Galaydh waa suugaanyahan ka mid ah dadka aan xiiseeyo in aan wakhti la qaato, mar kasta oo aannu isu nimaadnana aannu fikirro is weydaarsanno, wakhtigana illowno. Caweyskan aannu Hargeysa ku wada qaadannay, waxa uu isaga gudbayaa mawduucyada nolosha intooda aan jeclahay oo dhan. Ila dhegayso!
Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)
-
Dhiirrigelinta dhallinyarada, waa tiir ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee uu ku taagan yahay Codka Ubax. Barnaamijkan waxa aynu ku eegi doonnaa sifooyinka saxda ah ee ay tahay in uu lahaado qofka aynu ku dayanaynaa. Waxa mawduucan soo jeedinaya Mudane Maxamed Cumar Carte. Dhegaysi wacan!
Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)
-
Siyaabo kala duwan ayay isu waayi karaan labada is jeceli. Waxa ka mid ah faragelin waalid, duruufo bulsho ama isfahandarro labada dhinac ah. Waa barnaamijkii labaad ee taxanaha #WaaLaygaGuursaday. Dhegaysi wacan!
Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)
-
Saxaafaddu waxa ay door weyn ku leedahay horumarinta iyo dhismaha bulshada. Waa barta laga hago ummadda, laga toosiyo hoggaanka, laguna kaydiyo sooyaalka ummadeed. Haddaba waxyaabaha curyaamiya maxaa ka mid ah, sidoo kale diintu maxay ka qabtaa in dano kale la hoos gashado werinta dhacdooyinka? Waxa ila jooga weriye Siddiiq Maxamed Burmad. Dhegaysi wacan!
Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)
-
Waa barnaamijkii labaad ee taxanaha barnaamijyada aynu ku eegayno ganacsatada yaryar ee bilowga ah. BarnaamijkanI waxa uu diiradda saari doonaa habka ganacsiyada yaryari wax uga bedDeli karaan mustaqbalka dalka iyo sida ay u soo kordhin karaan halabuur tiknoolajiyeed. Waxa ila jooga Axmed Cali iyo Cabdifataax Suldaan. Dhegaysi wacan!
Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)
-
Waa barnaamijka kowaad ee taxanaha aynu kaga hadli doonno dhallinyarada iyo ganacsiyada yaryar. Qaybtan waxa aynu ku eegaynaa fursadaha iyo caqabadaha hor yaalla dhallinyarada doonaya in ay la yimaaddaan halabuur ganacsi. Waxa ila jooga Xasan Gaadh-haye iyo Aasiya Siciid.
Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)
-
Waa sannad cusub iyo Season 3. Waxa aannu dib u eegaynaa sannadkii tegay iyo barnaamijyadii baxay sannadkaas. Sidoo kale waxa aannu eegaynaa filashada sannadka soo socda, haddii Eebbe idmo. Waxa ila fadhiya Cawaale Deeqsi, Hibaaq Larry iyo Shukri Nuur. Dhegaysi wacan!
Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)
-
Abwaan Weedhsame waxa uu macallin ahaa in ka badan 15 sanno, sidee macallinnimadiisu u saamaysaa suugaanta uu abuuro? Sidoo kale xidhiidh noocee ah ayaa ka dhexeeya suugaanta abwaan Weedhsame iyo xiddigaha sare? Siyaasadda ma khasab baa in laga maansoodo, se goorma ayuu ka caafimaaday jacaylkii dhawrka sanno dul degganaa? Dhegaysi wacan!
Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)
-
Hababka ugu saamaynta badan ee wax loo gudbiyo waxa ka mid ah habka maadda iyo qosolka. Sooraan Ismaaciil waxa uu ku suntan yahay, dedaal badanna geliyaa hagidda bulshada, isaga oo u maraya jidkaa aynu hore u soo sheegnay. Waxaannu ku sheekaysannay magaalada Hargeysa. Dhegaysi wacan!
Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)
-
Hadalhaynta tusaalayaasha togan ayaa inta badan ka saamayn iyo waxtar badan buunbuuninta mushkiladaha taagan. Wax badan ayaynu aragnaa sheekooyinka taban ee qoysaska Soomaalida, waxa se muhiim ah in sidoo kale xoogga la saaro sootebinta kuwa guulaystay. Waxa ila jooga lammaanaha Mahad Jaamac Koronto iyo Warda-Sagal Axmed Rooble. Dhegaysi wacan!
Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)
-
Marka jacayl dhab ahi ku hayo, waxa kaa tegaya go'aanka. Waxa kugu badanaya dabacsanaanta iyo u hoggaansamidda xaalado aanad beryaha qaar oggolaateen, wax walbana in aad tunka saarato ayaa suurtagal ah. Dr. Axmed Cali "Cantar" ayaannu ka sheekaysannay mawduucan iyo heesihiisaba. Dhegaysi wacan!
Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)
-
Inta badan dhaqanka miyiga iyo Soomaalidii hore waxa aynu ku eegnaa indho kalgacayl leh, tusaalooyin badan oo toganna waynu u soo qaadannaa. Dhaqankaasi, saamayn noocee ah ayuu ku leeyahay nolosheenna maanta, xumaan iyo samaanba? Abwaan Haykal ayaa ila wadaagaya xikmad iyo suugaanba. Dhegaysi wacan!
Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)
-
Waa maxay xidhiidhka ka dhexeeya suugaanta Abwaan Cabdillaahi Xasan Ganey iyo waxbarashadiisa, sidee ayay se isu la fal galaan? Heesihiisa oo 70 kor u dhaafay, kuwee ayaad ka taqaannaa, sidoo kale suugaanta Soomaalida iyo aayaheeda dambe muxuu ka yidhi? Waxa aad ku maqli doontaa hees cusub oo uu abwaanku hadda soo saaray. Dhegaysi wacan!
Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)
-
Waxa dunida maanta ka jira olole lagu ceebaynayo Nebigeenna Muxammad ﷺ. Waa muhiim in laga dhiidhiyo, laakiin waa sidee habka ugu wanaagsan ee Nebiga ﷺ loogu hiiliyaa? Dhegaysi wacan.
Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)
-
Qofku marka uu jidhka ka bukoodo, cisbitaalka ayuu tagaa, daawooyinna ka soo qaataa. Haddii se jacayl ku xumaado, halkee la tagaa? Cisbitaalka Jacaylka kaftan ayaan u haystay, dhegaysi wacan!
Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)
-
Isbeddel kasta oo bulshada ku cusubi waxa uu la kulmaa cadaadis iyo cabbudhin. Sucaad Carmiye Odowaa waxa ay go'aansatay in ay halgan u gasho waxa ay aaminsan tahay oo ah xuquuqda dhallinyarada iyo haweenka. Waxa ay u sharraxan tahay xubin baarlamaan oo Somaliland ah. Sidee looga falceliyay go'aankeeda, sidoo kale waa maxay sababta ay halgankaas ugu badheedhay, maxaa se ka dhexeeya Sucaad iyo Saado Cali? Dhegaysi wacan!
Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)
-
Abwaan Khaliif Faarax Xayir isaga oo yar ayuu gurigoodii ka tegay, waa dalmar soo arkay dhul tiro badan oo dalka iyo debeddiisaba ah. Nolol wejiyo badan leh ayuu soo maray, waxa se mar kasta wehelkiisa ahaa halabuurkiisa iyo suugaanta uu ka curinayo xilliyada qallafsan iyo kuwa ladanba. Dhegaysi wacan!
Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)
-
Dumarka suugaanyahanka ahi way kooban yihiin, sidoo kale kuwooda jacaylka ka maansoodaa waa dhawr. Ayaan Axmed Caydiid "Kaaba", waa halabuur suugaanteedu dhaliso hadalhayn joogto ah. Waa maxay sababtu? Dhegaysi wacan.
Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)
- Laat meer zien