Afleveringen
-
Kaftan iyo wada sheekaysi furan oo dhex maray team-kii Codka Ubax, oo mar kale ku kulmay barnaamijka Hilin Show.
-
Abwaan Deeqa Nuux Yoonis waa suugaanyahanad da'yar oo maanso cuddoon, waxay ka maansootaa arrimaha bulshada, waxaanay door muhiima ka qaadataa wacyigelinta umadda. barnaamijkan waxaad ku daawan doontaa qayb ka mid ah suugaanteeda.
-
Zijn er afleveringen die ontbreken?
-
Saxafi/Abwaan: Sadiiq Burmad waxaanu ka waraysannay aqoontiisa iyo waayo-aragnimadiisa Warbaahineed iyo Suugaantiisa farshaxanka ah.
-
Maxamed Cabdillaahi Diiriye Bulshaawi, waa musician iyo macallin tumay kumanaan heesood, qaar kalena laxameeyay, mararka qaarna heesaa ah. Wuxu tumay qaar ka mid ah heesaha loogu jecelyahay fanka casriga ah. Wuxuu soo saaray fannaaniin badan oo maanta hirgalay. Barnaamijkan kaga bogo taariikhdiisa iyo wax soo saarkiisa faneed.
-
Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil Weedhsame waa abwaan iyo macallin gaasa-baxay oo sameeyay in ka badan 70 heesood oo lagu luuqeeyay, sidoo kale calanka u sida ragga gabeyga iyo tixda kaleba ku xarragooda. waraysigan kaga bogo taariikhdiisa, waayo-aragnimadiisa iyo aqoontiisa dhanka suugaanta iyo qaybaha kale ee cilmiga.
-
Abwaan Abwaan Axmed Cabdi Xirsi (Gaanni) waa suugaanyahan hibo cajiib ah leh sidoo kale waa dhakhtar ku takhasusay Caafimaadka Maanka.