Afleveringen
-
Daal aadan xeeldheeraantiisa ka faalloon karin wax kasta oo aad samaysayna aan suulaynin haddii uu ku hayo oo salkiisa aad gaadhi wayday armuu yahay 'shufbeel tamareed' !
Dhagaysi iyi dhaqan gelin wanaagsan.Ka falceli xilqaddan 😊
-
Waligaa ma dareentay in markasta oo aad tallaabo horę u qaaddo Aad haddana dib u qaadayso? Cabsi maka dareentaa hore u socodkaaga nololeed? haddii jawaabtu 'Haa' tahay xilqaddan adiga ayaa iska leh.
Dhagaysi iyo dhaqan gelin wanaagsan 🌸Ka falceli xilqaddan 😊
-
Zijn er afleveringen die ontbreken?
-
Haddii ay ku daaliyaan gaadhidda go'aamadu ha yaraadaan ama ha waynaadaane xilqaddan adiga ayaa iska leh, fahan sababaha ka danbeeya daalka ,fahankaasina haku dhaxalsiiyo in aad naftaada u dhibrisid oo u dhego nuglaatid.
Dhagaysi iyo dhaqan gelin wanaagsan.Ka falceli xilqaddan 😊
-
Haddii gudaha madaxaaga adduunyo kuu gaar ahi kaaga dhisantahay oo la qabsiga aad la qabsatay aawadeed aad adduunyadaada dibadeeda uga qawadid, xilqaddan adiga ayaa iska leh.
Dhagaysi wanaagsanKa falceli xilqaddan 😊
-
Waligaa ma dareentay inaad nolosha dul sabbaynayso, in aad dareen ahaan kabuubyoonayso, in xasuusaha qaar yaraantaadii aanad waxbaba ka xasuusan?
Haddii Jawaabtu 'HAA' tahay, xilqaddani waxay kaa caawin kartaa fahanka naftaada.
Dhagaysi wanaagsan🌸Ka falceli xilqaddan 😊
-
Waligaa ma dareentay in aad waalid tahay adiga oo aan waalidba noqon, yaraantaadiise ma dareentay in aadan noolaan caruurnimo kugu filan?
Xilqaddan adiga ayaa iska leh.
Dhagaysi wanaagsanKa falceli xilqaddan 😊
-
Weligaa ma iswaydiisay maxay ayaa mar walba laguugu canaantaa wax aadan samayn, laguugu oogaa danbi aadan gelin, laguu faquuqaa ee qoyskiina qaab aadan garanayn kaaga dhigay? yaraantaadii haddii aad magac u heli kari wayday, waynaantaada u hel oo ka kabo .
Dhagaysi iyo dhaqan gelin wanaagsan 🌸Ka falceli xilqaddan 😊
-
Kawaran haddii aad adigu dhayi karto nabar kasta oo yaraantii kaasoo gaadhay? Awooddaa hadii aad leedahay saw in aad adeegsato ma aha?
Dhagaysi iyo dhaqan gelin wanaagsan.Ka falceli xilqaddan 😊
-
Waligaa xaaladdan heedaddoowga ah ma gashay? naftaada ma dayacday, xilqaddani waxay kaa caawin kartaa in aad ka xuub-siibato.
Dhagaysi iyo dhaqan-gelin wanaagsan.Ka falceli xilqaddan 😊
-
Waligaa intuu wadnuhu si xawli ah kuu garaacay , dabadeed aad dhididday oo neeftu ku qabatay ma is tidhi waad dhimanaysaa? Xilqaddan ayaynu isku waydiinaynaa xaaladdaasi waxa ay tahay.
Dhagaysi wanaagsan.Ka falceli xilqaddan 😊
-
Wali ma is waydiisay sababta ay dareemaha dadyowga kale kuu saameeyaan?
Ka falceli xilqaddan 😊
-
Ka falceli xilqaddan 😊
-
Waligaa ma iswaydiisay 'Buufiska' ama 'Bacdu' wax ay tahay? Xilqaddan ayaynu kaga jawaabaynaa.
Dhagaysi wanaagsan.Ka falceli xilqaddan 😊
-
'Sidee ayaan u badhxi karaa dareemmadayda cabsida ku qotoma?' ayaynu kaga jawaabaynaa xilqaddan.
Dhagaysi iyo dhaqan gelin wanaagsan.Ka falceli xilqaddan 😊
-
Erayadu aynu adeegsannaa saamayn maku leeyihiin caafimaadka-dhimirkeenna ayaynu xilqaddan isku waydiinaynaa.
Dhagaysi iyo dhaqan gelin wanaagsan.Ka falceli xilqaddan 😊
-
Weli ma Iswaydiisay su'aasha ah 'maxay ayay dadku caawimo u dalban waayaan marka ay maskaxdoodu u baahato'? xilqaddan ayaynu kaga jawaabi doonnaa wax ka mid ah waxyaabaha dadka ka hor istaaga inay maskaxdooda u hiiliyaan.
Ka falceli xilqaddan 😊
-
Ka falceli xilqaddan 😊
-
Xilqaddan waxaynu dib ugu milicsanaynaa safarkii kabasho ee sannadka iyo badhka soo socday, waxaynu kale oo wax iska waydiinynaa muhiimadda ay leedahay 'Kabashada-Dareen' iyo calaamadaha aad ku garan kartid.
Dhagaysi wacan.Ka falceli xilqaddan 😊
-
Weligaa ma dareentay in naftaadu jeceshahay ama ku sidkantahay cidda dhibaataysa? ma u wayday magac aad u bixiso xidhiidhka noocaas ah, xilqaddan ayaa kuu faah-faahinaysa magaca ,micnaha iyo qaabka uu u samaysmo xidhiidhka noocaas ahi.
Dhagaysi wanaagsan.Ka falceli xilqaddan 😊
-
Weligaa ma dareentay inaad dareemahaaga ku hafanaysid? sidee ayaad u maaraysay dareen-ku hafashada?
Xilqaddan ayaynu maaraynta dareen ku hafashada kaga hadlaynaa, dhagaysi iyo dhaqan gelin wanaagsanKa falceli xilqaddan 😊
- Laat meer zien