Afleveringen
-
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah
Wakaaladda canshuuraha iyo diiwaangelinta oo wax ka bedeli doonta nidaamkeeda diiwaangelinta.
Boliiska oo hoos u dhigay baaristii shilkii ey ku geeriyoodeen laba waayeel oo ka dhacay dekedda nawaaxiga Furusund magaalada Stockholm ee jasiirradaha skärgård.
David Lång oo ka tirsan xisbiga Sverigedemokraterna ayaa kulankii xalay ee xisbiga SD ku luuqeeyay hees jarmal ah oo faqooq xambaarsan.
Siddeed qof oo shalayto rumaanka la dhigey.
-
Labo qof ayaa loo xidhay ka dib dilkii fanaankii rap-ka ee Gambelo. Shirkada tareenada SJ oo soo bandhigtey 200,000 tigidh xiliga xagaaga. Masraxa tiyaatarka kunguliga Opera oo lagu ganaaxay 3 milyan oo karoon oo ganaax ah. Diyaaradaha ciidamada Iswiidhen oo Gaashaanbuurta Nato la sameeyneya hawlagalo.
-
Zijn er afleveringen die ontbreken?
-
10 qof oo dhaawac ka soo gaadhay ka dib markii gaadhiga ardaydu saarnayeen gidaarkiisu jabay. Nin rumaan la dhigay oo lagu tuhunsan yahay argagixisinimo. Qasriga boqorka oo joojiyey xafladii lagu qaban jirey qasriga. Will 22 jir ah oo lagu xukumay xabsi daa'in.
-
19 jir ayay maxkamadda degmada Ystad ugu xukuntay xukun xabsi daa'in ah dil uu geeystay. Ninkan ayaan qiran dembiga. Goobaha lagu dabaasho dalka ee biyahooduna tayada leeyihiin ayey tiradoodu kor u kacdey. Heyadaha oo aan ku wanaagsaneyn iney xaqiijiyaan aqoonsiga qof Sweden safar ku yimaada.
-
Will 17 jir ah ayaa lagu soo oogay tuhun dacwad la xidhiidha inuu laba habeen gudahood ku dilay saddex qof. Iskuul ku yaala Nörkopping oo loo xidhay sababo la xidhiidha cimilada. 13 000 oo kalkaaliye caafimaad ah ayaa xirfadda shaqada isaga tagay sababo la xidhiidha galdaloollo dhanka deegaanka shaqada.
-
Ergeyga dalka Iran ee Sweden oo beenisey wararka sheegaya in Iran qorato dad rabshado ka sameeya Sweden. Tirada dadka ku xidhan xabsiyada oo korodhay sanadihii 2022-2023. Heyadda SMHI oo ka digaysa roobab iyo onkod deegannada Västergotland iyo Jönkoping.
-
Subaxnimadii saaka ayuu booliisku faaruqiyay xero teendho ah oo ku taal jardiinada Lundagård, halkaas oo mudaaharaad ka dhan ah Israa'iil uu ka socday tan iyo 16-kii May. Tan iyo markay shirkadda SJ la wareegtay maamulka tareennada dusha mara ee gobolka Stockholm, kalsoonidu aad ayay u korodhay, sida uu qoray wargeeyska Dagens Nyheter.
-
Ra'iisul Wasaare Ulf Kristersson ayaa X ku qoray in Sweden iyo Midowga Yurub ay filayaan in Israa'iil ay hakiso duulaanka Rafah si loo badbaadiyo dadka rayidka ah Lorena Delgado Varas oo ah xubin ka tirsan xisbiga Bidixda ee baarlamaanka ma xidhato shaalka falastiiniyiin marka ay ka doodayso aqalka Xisbiga Sverigedemokraterna ayaa shaqada ka ceyriyay shaqaale ka tirsan waaxda isgaarsiinta ee xisbigaas,
-
Labo dumar ah ayaa lagu xiray dalka Mareykanka, kuwaas oo looga shakisan yahay in ay ku lug lahaayeen dil. Isbeddelka cimiladu waxay keentaa xilliyada xasaasiyadda oo is beddela, taas oo ku adkeynaysa dadka xasaasiyadda faxalka iyo neefta qaba. Anders Persson, oo bare ka ah cilmiga siyaasadda ee jaamacadda Linnaeus oo diiradda saaraya Israa'iil iyo Falastiin, ayaa xafiiskiisa la burburiyay, sida uu sheegay Expressen.
-
Markhaati lagu xukumay xabsi daa'in, tignoolajiyada cusub iyo raadadka DNA-ga ayaa daaha ka feyday. Sweden waxa laga bilaabay wax loogu yeedho golaha wax-akhriska cusub ee Sweden. Shantii sano ee la soo dhaafay, 3,3 bilyan oo karoon ayaa lagu bixiyay magdhowga caymiska ee la xidhiidha arrimaha burburka dabiiciga ah ee soo gaadhay 50,000 guri.
-
Qofkii bas ku raaceeyaa maanta gaariga lugaha leh ee dhallaanka lagu kaxeeysto, waayeelka ee magaalada Stockholm ayaan u baahneyn iney lacag bixiyaan. Hase yeeshee uu isbedel ku dhici doonaa. Xulka qaranka Jekiyen ayaa ciyaarta xigta lakulmi doona xulka xulka dhiggooda Sweden ciyaarta xeegada barafka. Isniintii ayaa toogasho lagu diley nin xaafadda Bredäng oo dhacda koonfurta magaalada Stockholm, iayadoona laba walaalo ah rummaanka loo dhigey.
-
Ubaxa lagu magacaabo majblommor ayaa sannadka rikoor cusub jebiyey oo la iibiyey 90 malyan oo karoon. Cilmi-baaris cusub oo lagu sameeyey Sweden ayaa lagu ogaadey inaanu qofku ka caafimaad badneyn haddii uu ku guuleeysto bakhtiyaanasiib ama uu lacag badan ku helo degdeg. Markii ugu horreeysay sannad iyo bar ayuu hoos u dhacay, hoos u dhicii iibsiga cunnada Sweden lagu samcadeeyo. Heyadda saadaalinta hawada - SMHI ayaa ka digtay halista dab ka kaca duurka goobo badan oo dalka ka mid ah.
-
Xeerilaaliyaha maxkamadda caalamiga dunuubta ee ku taalla magaalada Haag (ICC) ayaa codsaday in gacanta lagu soo dhigo dad ey ka mid yihiin madaxa xukuumadda dalka Israa'iil Netanyahu iyo hoggaamiyaha ururka Xamaas Sinwar. Xukuumadda iyo xisbiga Sverigedemokraterna ayaa heshiis ku ah in dalka Yukrayn la siiyo 75 bilyan oo karoon.
-
Dilkii toogashada ee dhowaan ka dhacay god buundo hoosteed ah ee xaafadda Skärholmen loogu geeystay nin ayaa u muuqda mid baaristiisu ay guul ku dhowdahay. Aabbe lagu eedeeyey inuu dhowaantan diley laba carruur ah oo uu dhalay ayaa qirtay maanta, sida lagu qorey Dagens Juridik. Xaalad degdeg ah ayey ku jiraan kalluunka maska u eg -ålen iyo kalluunka cascas ee badda Östersjön. Lammaane ku dhaqan Halland oo xabsi lagu xukumey, kadib dhibaatooyin ey u geeysteen ilmahooda.
-
Labo qof ayaa la xiray ka dib markii toogasho lagu dilay saaka aroortii xaafadda Bredäng ee koonfurta Stockholm, sida ay booliisku sheegeen. Orodyahano badan ayaa aad u kululaaday markii ay ordeen Maaradoonka Göteborg sabtidii hore. Khatarta dabka cawska ayaa hadda u wareegtay woqooyiga dalka.
-
Xukuumadda Sweden ayaa go'aan kale ku gaartay miisaaniyad hor leh ee taageerada bani'aadminomo ee carriga Qaaza oo gaarsiisan120 malyan oo karoon. Magaalada Stockholm ayuu boliisku gacanta ku dhigay dhowr qof, halka dhanka kalena dhowr guri baaris uu ku sameeyay. Xisbiga Liberalerna ayaa soo jeediyay in la joojiyo maalgelinta xisbiyada ee akaawnada qarsoodiga ah, kadib shaacintii uu barnaamijka Kalla Fakta ee ka baxa telefishanka TV ee uu ka sameeyay xisbiga Sverigedemokraterna.
-
Xisbiga Sverigedemokraterna ayaa labo ka mid ah shaqaalahooda u kala bedelaya waaxda isgaarsiinta ee xisbiga, ka dib markii telefishinka TV4 uu ka warbixiyay. Doorashada Midowga Yurub ayaa soo dhow, waxaana in ka badan 7.7 milyan oo kaarar codbixin ah loo diri doona sanduuqyada boostada ee dalka. Hay'adda caafimaadka dadweynaha , ayaa xukuumadda u xilsaartay inay si dhow u eegto saamaynta baraha bulshadu ku yeelan karta ee caafimaadka da'yarta.
-
Dabkii weynaa ee ka kacay beerta biyaha Oceana ee Liseberg horraantii sannadkan ayaa sabab u ahaa shaqo alxan laga waday halkaa. Qalab caafimaad oo qiimihiisu dhan yahay 14 milyan oo karoon ayaa Sweden u dirtay dalka Ukraine. Todobo qof ayaa subaxnimaddi hore loo qaaday isbitaalka kadib shil ka dhacay goobta shaqada ee warshada Dafgård ee Källby kuna taalla degmeda Götene.
-
Nin 25 jir ah ayaa lagu soo oogay dacwad ka dib markii uu jabiyay mamnuucid joogitaanka bartamaha magaalada Göteborg. Afar illaa shan qof ayaa shalay galab ka baxsaday mid ka mid ah xarumaha lagu haayo dadka ee Wakaaladda Socdaalka oo ku taalla degmada Märsta oo dhacda waqooyiga Stockholm. Tirada cusub ee xanuunka dhimirka ee dhallinyarada da'doodu u dhaxayso 18-24 ayaa wax yar hoos u dhacday sannadkii hore, marka loo eego sannadkii ka horreeyay.
-
Dukaammada lagu magacaabo 7-Eleven ayaa joojin doona iney sigaarka iibiyaan. Toddobaadkan ayaa la fileyaa cimilo wanaagsan oo qorrax leh iyo dabeeylo kulul, balse aanu weli xilligii kuleeyluhu iman. Waxaa soo gabagaboobey xilligii barnaamijka telefishanka SVT ee Qaxa ballaaran ee xayawaanka Älg-iga'', ahna xayawaan goodirka u eg.
- Laat meer zien