Afleveringen
-
Zijn er afleveringen die ontbreken?
-
''The Happiest Man on Earth" waa buug uu qorey Eddie Jaku oo ka badbaadey xasuuqi Hitler fuliyey dagaalkii labbaad ee adduunka , waxa uuna kaga sheekeynayaa marxaladihii kala duwana ee uu soo marey.
-
Dirkii Sacmaallada , waxa qorey Axmed Ibraahin Cawaale, waxa uuna kaga hadlayaa si hufan sooyaalka iyo ilbaxnimadii Soomaalida , sida oo kale waxa uu kaga jawaabay buuggan weydiimaha ay ka mid yihiin halka ay Soomaalidu ka soo jeedo asal ahaan iyo badhxanka isirka Soomaaliyeed , gaar ahaan waxa ka jira Carabnimada Soomaalida.
-
Weli ma akhridey buugga "The Compound effect" ? Buuggan uu qorey Darren Hardy waa mid ka mid ah buugta ugu saameynta badan ee khuseeya isbeddelka nafeed.
-
Buuga Maan-shaxan ee uu turjumey Khalid Mahad waa buug koobsanaya aragtiyaha iyo taariikhaha faylasoofyo badan, waxaanan ugu talagalnay inaan qeybo ka mida aragtiyaha ugu muhiimsan kaga hadalno xalqado kooban.